Wasaarada Caafimaadka DF oo shaacisay dad hor leh oo laga helay COVID-19

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa shaacisay baaritaanki 24-kii saac ee ugu dambeeyey la sameeyey in 117 qof laga helay fayraska karoona.

Waxay Wasaarada sheegtay 117 qof ee fayraska laga helay iney kala yihiin Banaadir 83, Somaliland 32 iyo Jubbaland oo 2 ah.

Ma jiraan dad u dhintay cudurka 24-kii saac ee ugu dambeeyey sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaarada

Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -