Maraykanka oo ku dhega hadlay DF: “COVID-19 looma adeegsan karo ku xadgudubka xoriyadda”

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay inaan waddanna loo oggolaanin inuu xanunka Covid-19 u adeegsado inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah.

Blinken waxa uu hadalkan u jeediyey shir ku saabsan Covid-19 iyo tallaalka oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 17-kii bishan Febraayo.

Ma magacaabin waddan gaar ah markii uu hadalkaasi jeedinayey, waxaase uu ku baaqay in waddamada lagula xisaabtamo waajibaadka ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Dawlada Soomaaliya ayaa isla maalinta uu hadalkaasi jeediyey waxay soo saartay amar ay ku joojinayso isku soo baxyada iyo in la isku yimaado iyadoo sheegtay inay tallaabadaas u qaadday ka hortagga faafidda Covid-19 darteed. Ma cadda in hadalka Blinken uu ku socday Soomaaliya.

Tallaabada ay qaadday dawladda Soomaaliya ayaa timid laba maalmood ka hor markii uu dhici lahaa bannaanbaxyo ay ku baaqeen mucaaradka oo ku beegnaa 19-ka Febraayo, kaasi oo gacan ka hadal ka dhashay iyadoo dhinacba kan kale u uku eedeeyey inuu soo weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -