Maxaa ka jira Wararka sheegaya in la hakiyey shaqadii garoonka Aadan cadde?

Agaasimaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in duulimaadyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu hakad ku yimid.

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa shaaciyey saaka in la hakiyey duulimaadyadii garoonka Aadan cadde ka dib madfac aan la garaneynin halka uu ka yimid oo ku dhacay goob ganacsi oo ku taallla gudaha garoonka.

“Ma jiro war ka soo baxay heyadda Duulista oo ku saabsan in la hakiyey shaqadii ka socotay garoonka Aadan cadde, sidaas awgeed wararka baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood ay faafinayaan waa been abuur” ayuu yiri Maareeyaha garoonka.

Waxaa uu sheegay in saaka madfac uu ku soo dhacay qeybaha hore ee garoonka balse arrintaas aysan hakad gelin howlihii ka socday, isagoo xusay in dayuurado badan ay saaka yimaadeen, kana duuleen garoonka wax dhibaato ahna aysan ka jirin.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dayuurada Ethiopian Airlines ay baajisay duulimaad ay ku iman laheyd saaka Muqdisho sababo la xiriira rabshadaha iyo dagaalada saacadihii la soo dhaafay ka jiray caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -