Shirkii Baydhabo ee guddiyada DF & D/Goboleedyada oo heshiis lagu gaaray

Guddiga Farsamada ee dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku shirayey Baydhabo ayaa la sheegay in xal laga gaaray qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa qabsoomida doorashada.

Qodobada isfahamka laga gaaray ayaa waxaa ka mid ah arrinta Guddiga doorashada ee lagu muransanaa, Arrinta doorashada xubnaha gobolada woqooyi iyo Xaalada Gobolka Gedo oo aheyd caqabada ugu adag

lama faahfaahin illaa hadda xalka laga gaaray, iyadoo xubnaha guddiyada ay ku gaabsadeen inay Madaxda ka sareysa la wadaageen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddiyadu soo jeediyeen in shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 18  bishan inkastoo aan weli la isku raacin, sidoo kale ma cadda halka shirkani ka dhici doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -