Cumar Filish oo amar deg deg ah siiyey Gudoomiye-yaasha degmooyinka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Filish) oo kulan Gaar ah la qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banadir ayaa faray in si deg deg ah dib loogu bilaabo ololaha Wacyigelinta Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo dalka dib ugu Soo laabtay.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha  Bulshada iyo Wacyi-gelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed (Jaketi) Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda hoose  Dr. Maxamed Caddow  iyo Taliyaha Ilaalada Ciidanka Degaanka Xamar.

Cumar Filish ayaa intaas ku daray in cudurka COVID-19 uu ku soo labo kacleeyey dunida, isagoo xusay in maalmihii ugu dambeeyey kiisas badan oo cudurkaas la xiriira laga helay Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

“Gudoomiyeyaasha degmooyinka waxaan farayaa iney deg deg u bilaabaan ololaha wacyi gelinta ee cudurkan, si bulshadu uga digtoonaato khatartiisa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Filish).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -