Ciidamada Dowlada oo qabtay rag la sheegay in gabdho yar yar soo Afduubteen

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku qabteen labo nin oo xiliga la qabanayay watay labo gabdhood   oo ay soo afduubteen.

Sida aan wararka ku helnay ragan ciidamada booliiska qabteen ayaa xiliga gacanta lagu dhigayay gaari PL ah Muqdisho ula raacayeen labo gabar oo Walaalo ah oo maalin kahor ehelkooda waayeen kana  baafinayeen baraha bulshada.

Dad aqoonsaday caruurtan yar ayaa gacanta ku dhigay ragan gabdhaha baabuurka la raacayay, waxa ayna ku wargaliyeen ciidamada booliiska saldhiga Afgooye oo markii dambe gacanta ku dhigay ragan eedeesanayaasha ah.

Labadan nin ee ciidamada booliiska xireen ayaa muuqaal laga duubay ku sheegay in ay qeyb ka yihiin shabakad caruurta yar yar afduubata, waxa ayna xuseen in afduubka caruurtaasi lacago lagu siiyo.

Booliiska Soomaaliya iyo maamulka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin ragan lagu qabtay degmada Afgooye, sidoo kale ma jirto wax war ah oo dowlada federaalka kasoo saartay dhacdadan.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay caruurta yar yar ee la waayo lagana baafiyo baraha bulshada , waxaana warar soo baxayay sheegayeen in caruurtaasi qaarkood la afduubtay .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -