Maxay ka wada hadleen Qoor-qoor & Deni oo caawa kulan gaar ah yeeshay? (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ugu tagay.

Faahfaahin rasmi ah lagama bixin waxyaabaha ay ka wada hadleen labada masuul, balse warar la helayo ayaa sheegaya iney ka sheekeysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada dalka iyo shirka maanta Muqdisho uga furmay madaxda DF iyo dowlad goboleedyada.

Deni ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka shaafiyey Qoor-qoor talaabadii uu uga baaqsaday shirkii Dhuusamareeb 3 oo ka qeyb galkiisa ay qaadaceen madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Hogaamiyeyaashan ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa shirka DF iyo dowlad goboleedyada uga furmay saaka Muqdisho kaasoo intiisa badan xoogga lagu saarayo sidii go’aan mideysan looga qaadan nooca ay noqoneyso doorashada dalka ka dhaceysa xiliga kala guurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -