Faah faahino kasoo baxaya dadkii ka dambeeyay dilka Gaashaanle Feyte Cagacadde

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheesan oo shalay galab sargaal sare oo katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya loogu geestay isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Sargaalka la dilay oo lagu magacaabayay Gaashaanle Feyte Maxamed Aadan (Cagacadde) ayaa taliye u ahaa ciidamo ka howlgala qaar kamid ah koontarooada kuyaala Muqdisho, waxa uuna sargaalkan kamid ahaa saraakiishii Nabad sugida ee booliiska loo bedelay.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in sargaalkan uu dilay askari katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, dilka sargaalkan oo salka ku hayay aano qabiil ayaana la sheegay in uu u dhacay qaab shirqool u ekaa.

Sida aan wararka ku helnay sargaalkan ayaa lagu dhax dilay gaari nuuca raaxada uu watay, ninka dilka geestay oo ku hubeesnaa qoray nuuca AK-47 ayaa la sheegay in uu ku dhuftay lix xabadood.

Dilka sargaalkan loo geestay ayaa la sheegay in uu dabo socday dil dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada amaanka xireen labo askari oo la socotay askariga dilka geestay iyo nin kale oo isna la socday sargaalka la dilay.

Ciidmada dowlada ayaa sidoo kale baadi goob ugu jira askariga dilka geestay oo xogtiisa hayaan laamaha amaanka , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay taliska booliiska oo ku aadan dilkan qorsheesan ee loo geestay sargaalkan ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -