(Akhriso) Puntland oo ka digtay in shuruucda dalka lagu saleeyo rabitaanka Madaxda DF

Maamulada Jubbaland & Puntland ayaa garab istaag u muujiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo shalay shaaciyey xeerar aan aheyn kuwii saxda ahaa in la hor geeyey Golaha Shacabka ayna qaarkood meel mariyeen, waxaana uu Gudoomiyaha aqalka sare dalbaday in la joojiyo ka doodista iyo ansixinta xeerarkaasi inta laga saxayo, isagoo soo bandhigay 27 qodob oo wax laga bedelay.

Xeerarkan ayaa ah kuwii afarta ahaa ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee labaqa aqal ee baarlamanka Somalia, kuwaasoo la horgooyey baarlamanka Somalia oo qaarkood meel mariyey.

“Dowladda Puntland waxay ka digaysaa in shuruucda wadanka lagu saleeyo damac-gaar ah iyo rabitaanka madaxda dalka; iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn dastuurka ku-meel gaarka ah, laguna dhiirranayo been-abuur iyo isdaba-marin sida ku cad warqadda Guddoomiyaha Aqalka Sare” ayaa lagu yiri qoraal xalay saqdii dhexe ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AY SOO KALA SAAREEN PUNTLAND

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -