Raisul Wasaare caan ah oo 30 sano ka dib la shaaciyey qofkii dilay (Sawirro)

Booliska Sweden ee u xilsaarnaa baaritaanka dilkii loo geystay Raisul wasaarihii hore ee dalkaas Olaf Palme, ayaa shaaciyay maalmo ka hor magaca ninkii dilay raisul wasaaraha  sanadkii 1986dii. Waxeyna arintan soo afmeeraysa kiiskan oo furnaa muddo soddon iyo afar sano ah.

Tan iyo xilligaas lama helin qofkii dilkaas geystay, iyadoo xitaa goobta lagu toogtay ay ahayd waddada ugu mashquulka badan dalka Sweden, tobannaan qofna ay toosu arkayeen nin dheer oo rasaasta ku riday ka hor inta uusan ka cararin goobtaas.

Ninka ay dacwad ooggayaasha u aqoonsadeen in uu dilay ra’iisal wasaaraha ayaa magaciisa lagu sheegay Stig Engstrom, wuxuuna is dilay sanadkii 2000, waxaana la sheegay inuu ahaa nin xag jir ah oo si weyn u diidanaa siyaasadaha Raisul Wasaaraha.

Mr. Olof Palme ayaa lagu yaqaannay inuu qof cod-kar ah, kana hadli jiray arrimo muran badan dhalin jiray gudaha iyo dibaddaba dalkiisa Sweden Wuxuu xilliga la dilay ku jiray muddo xilkeedkii labaad ee uu ku guuleystay kursiga reisul wasaaraha Sweden.

Habeen Jimce ah, in ka badan 30 sano ka hor, Ra’iisul Wasaarihii Sweden wuxuu gurigiisa uga baxay si uu filim u soo daawad, isagoo diiday in ilaaladiisa ay sii raacaan. Wuxuuna jeclaa inuu u noolaado sidii qof caadi ah oo bulshada ka tirsan balse markii uu ka soo laabtay shineemada ayaa lagu toogtay meel ku dhow hoygiisa.

Hadda oo ay dhacdadaas kasoo wareegtay in ka badan 34 sano, xafiiska dacwad oogeyaasha dalka Sweden wuxuu shaaciyay natiijada baaritaankii lagu waday falkaas oo argagax galiyay bulsho weynta caalamka.

RAISUL WASAARE Olaf Palme
Stig Engstrom OO AH NNKA DILAY RAISUL WASAARAHA
GOOBTA DILKU KA DHACAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -