Ganacsade caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Rag hubeysan ayaa la sheegay iney caawa ku dileen xaafada Sei-biano oo ka tirsan degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho nin ganacsade caan ah oo dalka keena baabuurta.

Marxuum Cali Naaleeye (Cali Barkhadle) ayaa la sheegay iney lagu dilay fal burcadnimo ah ka dib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo ka dhacay Mobile uu watay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Marxuumka uu marka hore ka madax adeygay dalabka burcada ee ahaa inuu ku wareejiyo mobile-kiisa taasoo soo dedejisay iney dhowr xabadood ku dhuftaan qeybaha sare ee jirkiisa taaoo sabab u noqday geeridiisa.

Burcada dilka geysatay ayaa la sheegay iney baxsadeen, waxaana sida caadada ah wax yar ka dib goobtaas gaaray ciidamada amaanka oo halkaas ka wada baaritaano.

Dad ku sugnaa goobta ayaa ku eedeeyey ilaalada isbitaal halkaas ka dhowaa iney daawanayeen markii burcada ay falka dilka u geysanayeen Marxuumka, aysana qabanin burcada markii ay baxsaneysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -