Xaalad adag oo soo wajahday Silvia Romano & hanjabaado dil ah oo loo jeediyey

Silvia Romano oo ah haweeney Talyaani ah oo laga sii daayey afdduub muddo 18 bilood ah loogu heystay gudaha Somalia, maalmo ka horna ku laabatay dalkeeda ayaa haatan wajaheysa hanjabaado dil ah oo ay kala kulmeyso kooxo cunsuriyiin ah ka dib markii ay sheegtay iney qaadatay diinta Islaamka

Nico Basso oo ka tirsan kooxda cunsuriga ah ee “Verso il futuro” horayna uga tirsanaa Xisbiga midigta fog ee Lega Nord ku metela magaalada Treviso, ayaa soo qoray “halla daldalo” oo uu ula jeedo Silvia Romano inkastoo uu saacado yar ka dib tiray.

Ka sokow ninkan waxaa sidoo kale isa soo tarayay fariimo iskugu jira aflagaaddo iyo nacayb ka dhan ah Silvia Romano oo lagu baahiyey baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah fariimahaasna loo sii mariyey xubno ka tirsan qoyskeeda oo haatan walaac uu soo wajahay sida ay qorayaan wargeysyada ka soo baxaya Milano.

Booliiska Milano ayaa iminka kiiskan hanjabaadda ah baaritaan rasmi ah ku bilaabay, sida uu sheegay Madaxa qaybta la dagaallanka argagixisada Albero Nobili.

Waxaa sidoo kale la sheegay in warqad hanjabaad ah laga helay meel u dhow guriga gabadha, iyadoo Booliiska Milano ay iminka bilaabeen inay si gaar ah u ilaaliyaan xaafadda Casoretto oo ay Milano ka deggan tahay gabadhan, iyada oo gawaarida hor mareysa dhismayaasha xaafaddaas la faray inay tartiib u socdaan.

Kooxaha midigta fog ee Islaamka neceb, ayaa sheegay inay Silvia qabto jirrada loo yaqaano Stockholm Syndrome, oo qofku jacayl u qaadayo midkii haystey.

Sidoo kale, Waxaa ololahan gacan ka gaysanaysa saxaafadda Talyaaniga oo xitaa Sirdoonka Turkiga ee MIT ku eedaysay inay Talyaaniga ku qalqaalisay inay madax furashada bixiyaan, waxaana marka shacabka oo wixii ay doonaan sheegaya laga soo tago misna ku jira weriyeyaal caan ah.

Weriyaha warqaadka midigta ah ee Libero, Vittorio Feltri, ayaa soo tweet gareeyay in ay Dowladda Talyaanigu soo dayntan ”ku maalgelisey argagixisada.”

“Magdhowda Silvia laga bixiyey waxay ka dhigan tahay in la maalgeliyey argagixiso hadda iyada saaxiib la ah. ” ayuu soo qoray Feltri.

Silvia Romano, oo 20-kii Nofembar 2018-kii laga afduubtay Kenya, ayaa dalkeeda ka wajahaysa olole nacayb ah oo ka dhashay sheegisteeda inay qaadatay diinta Islaamka, kaasoo kaga imanaya dadka muxaafidka ah iyo kooxaha midigta fog.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -