Wasaarada Diinta ee DF oo War ka soo saartay iney beri soon tahay & in kale (Akhriso)

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xaqiijin iyo dabagal ku sameysay caawa dhalashada bisha Ramadaan

“Wasaaradda waxa ay hubin iyo xaqiijin ku sameyn doontaa raadinta dhalashada bisha Ramadaanka habeen danbe oo ah Jimco, markii arko ayaana lagu dhawaaqi doonaa si rasmi ah, Sidaas darteed caawa oo khamiis ah ma ahan soon” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada oo laga sii daayey warbaahinta dowlada.

Dalalka islaamka oo dhan ma jiro dal illaa hadda sheegay in beri laga soomayo sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa goor dhoweyd ka hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay inaysan qorshaha ugu jirin Caawa in la raadiyo Bil Ramadaan.

Sheekha ayaa sheegay in dad badan ay su’aalo soo weydiiyeen ku saabsan dhalashada Bisha ramadaan, wuxuuna caddeeyay inta badan caalamka islaamka sida Khaliijka inay maanta oo Arbaco ah u ahayd 28-ka Shacbaan, iyadoo Berri Khamiista maqribkii la raadinayo bisha.

Sheekh Umal ayaa sheegay in dadka ay ku khaldameen taariikhda qoran ee Hijriyadda iyo muuqaal xilli hore oo lasoo jarjaray, kana baxay TV-da Aljazeera, kaasoo baraha bulshada lagu faafiyey, iyadoo aanay jirin cid Bil raadisay Caawa ama sheegtay Bil Ramadaan, haddii Berri oo Khamiis ah la arki waayana la soomi doono Sabtida.

Dhinaca kale Dalalka Masar iyo Tunisia oo ka mida dalalka ay maanta Bisha Shacbaan u ahayd 29-ka ayaa ku dhawaaqay inay suuragal noqon weyday arragtida bisha Ramadaan, kadibna waxay go’aanno kasoo baxay ku sheegeen in Ramadaanka sanadkan 1441-H. uu bilaabanayo Jimcaha., maadaama ay beri 30 u tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -