Agaasimaha WHO Tedros Adhanom oo jawaab culus siiyey Madaxweyne Trump

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa si adag u difaacay sida hay’addiisa ay ula tacaashay faafitaanka cudurka Coronavirus, isaga oo ka jawaabaya eedeynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in laga yaabo inuu maal-gelinta ka jaro ururka.

Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta “siyaasadeynta” xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan “hoggaan daacadnimo ah”. isagoo  sheegay inuu rajeynayo in Mareykanka uu sii wado taageerada uu siiyo ururka.

Trump iyo maamulkiisa ayaa Arbacadii sii waday dhalleeceynta ka dhanka ah ururka. Xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Washington ay qiimeyneyso lacagta ay ku taageerto ururka, isaga oo sheegay in hay’adaha caalamiga ah ee hela lacagta canshuur bixiyayaasha Mareykanka looga baahan yahay inay kasoo baxaan hadafyadooda, isagoo dhinaca kale  diiday is-beddel iminka lagu sameeyo hoggaanka WHO.

Mareykanka ayaa sanaddii 2019 siiyey WHO lacag ka badan 400 oo milyan oo dollar, taasi oo laba goor ka badan tan dalka labaad ee kusoo xiga. Shiinaha ayaa bixiyey kaliya 44 milyan.

Trump ayaa sheegay in lacagta Shiinaha ay bixiyaan ay aad uga yar tahay tan Mareykanka, taasina “aysan ahayn caddaalad.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -