Imaaraadka oo Dhaqaalo xoogan ku bixinaya Musharax u taagan Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Waxaa beri oo isniin ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana doorashadan ku tartamaya ilaa 11-Musharax oo kasoo jeeda Beesha digil iyo Mirifle.

Ololaha Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saacadihii ugu dambeeyay sii xoogeestay, waxaana si weyn Muqdisho looga dareemayaa olalaha ay wadaan qaar kamid ah Musharixiinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ibraahim Isaaq Yarow uu taageero dhaqaale ka helayo Dowlada Imaaraadka Carabta oo dooneysa in Siyaasada dowlada jahwareer ku rido.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta ku xiran Dowlada Imaaraadka iyo Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood ayaa ka shaqeeyay sidii dowlada Imaraaadka uga dhaa dhicin laheyd in ay taageerto Musharax Ibraahim Isaaq Yarow.

Dowlada Imaaraadka ayaa dhaqaalo aan sidaa u badneyn oo hurumaris ah ku taageertay Musharaxan, waxaana suurto gal ah in Imaraaadka saacadaha soo aadan lacago badan ku bixiyaan doorashada Musharaxan .

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali la ogeyn Musharaxa ay sida gaarka ah u wadato, waxaana saacadaha socda la filayaa in dowlada dhaqaalo badan ku bixiso musharaxa ay sida hoose u taageereyso lana rabto kursiga Gudoomiyaha golaha Shacabka.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dagaal siyaasadeed kula jirta dowlada Soomaaliya, waxa ayna inta badan taageertaa dhaqaalo badana siisaa Siyaasiyiinta iyo Madaxda maamul goboleedyada ee kasoo horjeeda siyaasada Dowlada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -