Dowlada Soomaaliya oo ka fikireysa qorshe ay ku joojineyso Diyaaradaha ka imaanaya dalalka …

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay uga hortageyso in dalka soo gaaro cudurka halista ah ee Caronavirus, waxa ayna dowlada joojisay duulimaadyada ka imaanaya afar kamid ah wadamada Caalamka.

Dalalka Kenya iyo Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya ayaa laga helay cudurka Caronavirus, waxaana jirta cabsi laga qabo in cudurkan Soomaaliya usoo gudbo maadaama labadan dal dad ka imaanaya maalin walbo dalka yimaadaan.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in looga hortago in dalka uu soo gaaro cudurka halista ah ee Caronavirus.

Axmed Macalin  ayaa sheegay in maanta Muqdisho ka dhacayo shir deg deg ah oo looga tashanayo sida ugu macquulsan ee looga hortagi karo caabuqa Caronavirus gaar ahaan sida laga yeelayo duulimaadyada wadamada dariska ee laga helay cudurkan.

Waxaa uu sheegay inay siweyn uga fikirayaan in xayiyaraad saaraan dadka ka imaanaya dalalka Itoobiya iyo Kenya oo Cuudrka laga helay balse aysan ku deg degeyn maadaama weli uu ku cusub yahay,waxaana uu cadeeyey inay awood u leeyihiin inay duulimaadyada ka imaanaya wadamada Cudurka laga helay ay joojiyaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday duulimaadyada ka imaanaya wadamada Talyaaniga, Shiinaha, Iiraan iyo Kuuriyada Koonfureed, wadamadan ayaana ah kuwa saameynta ugu xun ku yeeshay caabuqa Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -