Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegayaan in caawa uu magaaladaas ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada Boosaaso ayaa ka dhacay afaafka hore ee dekada Boosaaso, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada Dekeda waxaana loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay.

Saraakiil ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, sidoo kalena uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ilaalada Dekada Boosaaso.

Sidoo kale qaraxa ayaa geystay khasaaro hantiyeed, isagoo burburiyey guryo iyo gaadiid ka dhowaa agagaarka goobta uu ka dhacay, mana jiro illaa hadda cid sheegatay inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay kooxaha Al-shabaab iyo daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -