Isbedel aan la mahdin oo Soomaaliya ka dhacay Maanta oo kale 26-kii January 1991-kii

Maanta oo kale 26-kii Janaayo sanadkii 1991-dii waxay ku beegan tahay sanadguuradii 29aad markii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre Madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee dalka ka talineysay muddo 21-ka sano ah, ka dib markii Jabhado ku kacay xukunkiisa ay ugu dambeyntii caasimada kula dagaalameen ka dibna ka saareen.

Inkastoo marxuum Maxamed Siyaad Barre lagu eedeeyo inuu qaladaad badan galay  haddana laga soo bilaabo xiligii xoriyada la qaatay oo aheyd 1960-kii illaa ilaa xiligan burburka waxaan shaki ku jirin inaan la haynin cid qabatay wax ka wanaagsan wixii uu u qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dowladii Kacaanka ayaa dalka ka abuurtay hanaan dowladnimo oo dhameystiran gacan bir ahna ku jiray, waxaana waxyaabaha lagu xusuusto Dowladaasi ka mid ahaaa waxbarasho lacag la’aan ah min Dugsi hoose illaa heer Jaamacadeed taasoo ay adkeyd in laga soo helo dal kale oo Afrikaan ah, ciidamo tayeysan oo mar noqday kuwa ugu fiican qaarada Afrika, amaan buuxa oo xiligii aad doorto socon karto. Adeegyo bulsho sida isbitaalo waaweyn oo lacag la’aan ah, koronto qiimo Jaban iyo waxyaabo kale oo aan la soo koobi karin.

Dhibaatooyinka ay dadka ku sheegan jireen xukunkii marxuum MSBare waxaa ka mid ahaa caburin dhinaca xoriyatul qowlka ah, Musuq-maasuq markii dambe baahay, xarig iyo dil lagula kici jiray cidii loo arko iney khatar ku tahay Dowladda, iyo kuwo kale kuwaasoo sababay in dadku ay u sacaba tumaan Jabadiii ku kacsanaa oo xiligaasi loo arkayey kuwo keeni kara isbedelo iyo xukun furfuran oo dhaama kii kacaanka.

Hase ahaatee, nasiib daro taasi ma dhicin, markii Maxamed Siyaad la eryey waxaa uu dalku galay dagaalo sokeeye oo aan dhamaaad laheyn markastana weji cusub oo hor leh la soo baxayey marxalad cusubna fooda la sii galayey, xaalad fowdo iyo Jahwareer leh oo taagan illaa hadda oo ay ka soo wareegtay xiligaasi 29 sano, waxaana la la’yahay qaab lagu soo celiyo Qarankii Soomaaliyeed oo buuxa.

26-kii Janaayo oo ku beegan markii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee Somalia xiligaasi dadku aad bey ugu farxeen isbedelkaas, hase ahaatee maanta qof ku faraxsan arintaasi ma jiro, xitaa kuwii la dagaalamay waxay ka qoomameynayaan dagaalka ay la galeen marka loo eego wixii dalka ka dhacay markii xukunka laga tuuray xiliyadii ka dambeeyey, waxayna maanta dadka Soomaaliyed qabaan inay tahay maalin murugo Waayo? Waa maalintii ugu dambeysay dowladnimo iyo nabad, ayna soo bilaabatay dhibaatada aan dhamaadka laheyn ee ay 29-ka sano ka dib weli ku jiraan.

Dagaaladii dalka ka dhacay 29-kii sano ee la soo dhaafay waxaa ku dhintay kumanaan qof, malaayiin kale waxay qaxooti ku yihiin illaa xiligaas dalalka deriska iyo kuwa caalamka qaarkood, halka ay sababeen burbur aan la soo koobi karin oo dhinac walba  leh kaasoo in laga soo kabto ay qaadaneyso muddo badan

Shacabka Soomaaliyed ayaa hadda rajadii ugu wanaagsaneyd qaba maadaama ay dalka ka jirto  dowlad rasmi ah oo caalamka ka heysata aqoonsi buuxa oo caalami ah, inkastoo dowladaas aysan ku baahsaneyn dalka oo dhan, awoodeeda oo kooban awgeed iyo dagaalo weli kaga furan gudaha dalka, waxaana taageera ciidamo afrikaan ah oo dhaqaale ka hela dalalka reer galbeedka.

(Dugaagaa dalka kaa baxshee… duqaanoow dowlad waa aheed) 
Marxuum Abwaan Abshir Bacadlle

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -