Diiwaan galinta musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug oo waqti lagu daray

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in waqti dheeraad ah lagu daray diiwaan galinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Guddiga doorashada iyo qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa sadex maalin oo dheeraad ah ugu daray musharaxiinta xiligii loo qabtay diiwaan galinta Musharaxiinta.

Habraacii hore ay soo saareen guddiga doorashada iyo qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa maanta waxa ay ku ekeed waqtigii loogu tala galay in musharaxiinta isku soo diiwaan galiyaan.

Guddiga ayaa wadatashi kadib isku raacay in mudo sadex maalin ah loogu daro musharaxiinta waqtiga isdiiwaan galinta, waxaana musharaxiinta loogu baaqay in ay isa soo diiwaan galiyaan.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaan wali jirin musharax isdiiwaan galiyay, waxaana xusid mudan in afar kamid musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha horey shuruudo ugu xireen in ay ka qeyb galaan.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa horey loo qorsheeyay in ay dhacdo 30-ka bishan, lamana oga in wali isabadal ku yimid xiligaasi la qorsheeyay in doorashada dhacdo iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -