Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo Xubno kale oo Xukun dil ah lagu riday (Akhriso Magacyada)

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday xubno lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab dilal badana ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Dhageysiga dacwada xubnahan oo maalmo badan socday ayaa ugu dambeyn Maxkamada ciidamada xukuno kala duwan ku riday 9-Xubnood oo lagu helay in ay Al Shabaab katirsan yihiin, waxaana afar kamid ah xubnahan xukun lagu riday iyaga oo maqan.

Xubnaha xukunka dilka lagu xukumay waxaa ku jira Maxamed Xaaji Axmed oo ku magac dheer Ilkacase, kaasi oo lagu eedeeyey inuu madax u ahaa amniyaatka dadka khaarajiya ee Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale dadka xukunka  lagu riday ku jirta haweeney la sheegay in ay katirsaneed dagaalyahanada Al Shabaab , waxaana haweeneydan lagu xukumay xabsi daa’in .

Xukunka Xubnaha Al Shabaabnimada lagu helay ayaa u dhacay sida tan

1- Saalim Siciid Maxamed, Maxamed Xaaji Axmed,  Axmed Maxamed Haashim oo maxkamadda joogay ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

2-Sharma’arke Cumar Axmed, Axmed Faarax Iidle, C/Raxmaan Sh. Cabdullahi, Ramadaan C/Rixiin Mursal oo maxkamadda ka maqan lagu xukumay dil toogasho ah

3- -Faadumo Xuseen Cali Caddaawe oo maxkamadda joogtay waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in,

4-C/Naasir Axmed C/qaadir oo maxkamadda ka maqan waxaa isna  lagu xukumay Xabsi daa’in.

Xubnahan lagu xukumay dilka iyo xabsi daa’inka ayaa lagu qabtay howlgalo ciidamada amaanka ka fuliyeen magaalada Muqdisho, waxa ayna xubnahan qaarkood qirteen in dilal badan magaalada ka geesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -