Maamulka Jaamacada Benaadir oo ka hadlay ardaydii ku dhimatay qaraxii Ex-Control

Maamulka Jaamacada Benadir ayaa ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Ex.kontrol Afgooye oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad fara badan oo ay ku jireen arday wax ka baraneysay Jaamacadan oo xiligaas ku sii jeeday goobahooda Waxbarashada.

Guddoomiyaha Jaamacada Benadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday ayaa tacsi u diray qoysaskii dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay isagoo xusay in Jaamacadu la qeybsaneyso murugada iyo tiiraanyada.

“Maanta waxaa maalin madow oo ay dhacday masiibo Qaran, waxaa dhibaato culus ay soo gaartay arday Soomaaliyeed oo waalidiintood ay u soo dirsadeen waxbarasho kuwaasoo dib loogu celiyey iyagoo meyd ah, runtii waa arrin aad u xanuun badan, waxaana tacsi u direynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed anagoo la qeybaneyna murugada dadka ay dhibaatadu soo gaartay” ayuu yiri Dr. Biday.

Waxaa uu ugu baaqay dowlada Somalia iney wax u qabato dadka qaba dhaawacyada ee isugu jira ardayda iyo shacabka kale, kuwa dhaawacyada culus qabana daweyn loogu qaado dibeda si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Gudoomiyaha Jaamacada Benadir ayaa intaas ku daray in ardayda Jaamacada la fasaxay muddo todobaad ah, si Jaamacada ay murugada ula qeybsato waalidiinta iyo ardayda ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in jaamacadu xus iyo duco u sameyn doonto ardayda dhimatay.

Weli lama sheegin tirada rasmiga ah ee ardayda ay dhibaatadu soo gaartay balse wararka qaar ayaa sheegaya in arday ku dhow 15 oo wax ka dhiganayey Kuliyada Culuunta Caafimaadka ee jaamacada ay ka mid ahaayeen dad 100 ku dhow oo ku dhintay qaraxii saaka halka qaar 19 arday ay ku dhaawacmeen

Hoos ka daawo hadalka gudoomiyaha jaamacada Benadir

Dhinaca kale. Ardayda iyo macalimiinta jaamacada Banaadir ayaa marar badan oo hore waxay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa:-

1- Toban sano iyo 25 maalmood ka hor, Decembar 3 2009 ayaa qarax ka dhacay Hotel Shamow waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 arday oo ka qalin jabinayay Jaamacadda Benaadir, Waxaa kaloo qaraxaas ku dhintay afar wasiir iyo dhaqaatiir uu ka mid ahaa Prof. Shahiid oo ka tirsanaa Jaamacadda.

2- Bishii June sanadkii 2016 qarax ka dhacay Hotel Naasa hablood waxaa ku dhintay dad uu ku jiray Dr. Ducaale Shahiid oo uu dhalay Prof. Shahiid oo ka tirsanaa Jaamacada Benadir.

3-Qaraxii Zoope ee dhacay 14-kii Oktoobar sanadkii 2017-kii oo ay ku dhinteen boqolaal qof ayaa waxaa dadka ku naf waayey ka mid aheyd gabar ardayad ah oo muddo lix sano ah wax ka baraneysay Jaamacadda Benadir xili ay u diyaar garaoobeysay iney qelin jebiso, iyadoo dadka ku dhintay qaraxaas ay ku jireen aqoonyahano horey uga soo baxay Jaamacada Benadir.

4-Sidoo kale Ahmed Mohamed Daahir (Ahmed Tall) oo ahaa hormuudkii Kuliyada dhaqaalaha iyo Maamulka ee Jaamacadda Benadir ayaa 19-kii bishan ugu geeriyooday magaalada Muqdisho dhaawac ka soo gaaray rasaas ay isweydaarsanayeen ciidamada dowlada xili uu ku sii jeeday hoygiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -