Saraakiisha XDS oo xabad joojin kala dhex dhigay beelihii ku dagaalamay Mudug (Sawirro)

Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo ku hawlan daminta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Miyiga gobolkaas ayaa sheegay in ay ku guuleysteen inay kala dhexgalaan maleeshiyo beeleedyada iska soo horjeeday.

Taliyaha ciidamada Dhulka S/Guuto C/xamiid Maxamed (Dirir) iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo looga arinsanayo sidii loo joojin lahaa  colaada waxay la qateen Waxgaradka labada beelood, waxayna ku guuleeysteen in ay kala qaboojiyaan beelahaas dagaalamay, iyagoo sheegay inay soo gabagabeyn doonaan colaada u dhexeysa beelaha inta ay joogaan gobolka Mudug

Maleeshiyo beeleedyo ayaa ku dagaalamay degaano hoostaga degaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug maalmo ka hor, waxaana ka dhashay dagaaladaasi Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada maleeshiyo oo dagaalkoodu ka bilowday muran la xiriira dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -