Khilaaf ka dhex curtay Wasaaradaha Waxbarashada & Warfaafinta Somalia

Khilaaf ayaa ka dhex curtay labada Wasaaradood ee kala ah Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumada Somalia

Khilaafkan ayaa bilowday markii Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre uu maanta si rasmi ah u daah-furay Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska.

Waxaa guddigan xubno ka ah Wasaarado, hay’ado dowli ah iyo ururada bulshada rayidka ah.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in guddigan uu kaalin ka qaadan doonaa horumarinta wada shaqeynta hay’adaha u xil-saaran howlahaasi gaar ahaan UNESCO, ISESCO IYO ALESCO.

Hase qoraal Wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa ka soo horjeesatay guddigan, waxaana qoraal ka soo baxay Wasaarada lagu sheegay in wasaarada waxbarashadu dhistay guddi hal dhinac ah oo aanay cidna kala tashan, ayna Masuuliyadihii Gudigaas u dhiibtay dad aan ka socon Hay’adihii Dawladda iyo kuwii Bulshada ee xirfad ahaan iyo Mas’uuliyad ahaanba doorka ku lahaa.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in sida ku cad magaca iyo mandate-ka labada Wasaaradood, “Wasaaradda warfaafintu leedahay Masuuliyadaha gudiga ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka (information and culture) maadaama ay maamusho warfaafinta dalka, golaha murtida iyo wacyigelinta., iyo hobolada iyo abwaaniinta dalka, halka Wasaaradda waxbarashaduna leedahay mas’uuliyadaha waxbarashada iyo hidaha (Education and heritage).

Hoos ka akhriso qoraalka wasaarada Warfaafinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -