Wararkii Ugu Dambeeyay Caleemo saarka Axmed Madoobe iyo Xaalka Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbalabd waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ka dhacdo munaasabad weyn oo lagu caleemo saarayo Madaxweynaha dib u doorashadiida muranka dhalisay ee Axmed Madoobe.

Waxaa socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee qabsoomida munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbalabd, waxaa si qurux badan loo diyaariyay hoolka la filayo in ay ka dhacdo munaasabada caleemo saarka.

Magaalada Kismaayo waxaa hada ku sugan oo munaasabada caleemo saarka ka qeyb galaya labadii Madaxweyne ee ugu dambeeyay ee dalka soo maray, Madaxweynaha Puntland ,Xildhibaano katirsan labada aqal iyo siyaasiyiin kale oo badan.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo la dhigay ciidamo aad u hubeesan kuwaa oo amaanka adkeenaya, waxaana aad u yar dhaq dhaqaaqa maanta ka jira magaalada Kismaayo.

Qabsoomida munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowr mar horey ugu dhacday, waxaana galinka dambe ee maanta la filayaa in Munaasabadan ka qabsoonto magaalada Kismaayo.

Wafdi ka socda dowlada Kenya ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo, wafdigan ayaana ah Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kenya kuwaa oo lagu casuumay munaasabada caleemo saarka.

Munaasabada caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona Madax kala duwan oo munaasabada lagu casuumay, waxaana dhagta loo taagayaa hadalada ay halkaasi ka jeedin doonaan oo u badnaan doono kuwa ka dhan ah dowlada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -