Shiikh Shariif oo ka digay in soddon sano ka dib dalka lagu celiyo nidaam keli telis ah

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa nasiib daro ku tilmaamay in soddon sano kadib Soomaaliya loo celiyo nidaam kali talis ah.

Shariif ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraaid oo ka dhacay magaalada Kismaayo halkaasoo ay shalay gaareen siyaasiyiin uu isagu ka mid yahay iyo xubno u badan mucaaradka dowlada si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Axmed Madoobe

“Waa nasiib daro aan la sugeynin in soddon sano kadib naloo celiyo nidaam kaligii talis ah oo aan oggoleyn sharci iyo xoriyad aysana jirin cid uu xurmeynayo.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa uu sheegay in cadaalad darro ay ku baahday dalka oo dhan, isagoo tilmaamay in sacabka iyo hadalada beenta ah ee ummada lagu wareeriyay aan dal lagu hogaamin karin.

“Waa arrin qatar ah oo aan la aqbali Karin,  indhahana laga qarsan karin in dastuurkii lagu dhaqmayay la iska laalo oo aan lagu shaqeynin” ayuu sii raaciyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo aan maalmahan la soo baxay siyaasado kulul oo dowlada lagu karbaashayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -