Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Wafuud kale oo maanta kusii jeeda magaalada Kismaayo iyo dowlada oo …

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland gaaraan wafuud kala duwan oo ka qeyb galeysa caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan ka dhaceysa Kismaayo.

Sida aan wararka ku heleyno waxaa Kismaayo ka socda qaban qaabada soo dhaweynta masuuliyiinta maanta la filayo in ay gaaraan magaalada Kismaayo, waxaana maamulka Jubbaland diyaariyay masuuliyiin iyo dadweyne kale oo soo dhaweeya wafuuda.

Magaalooyinka Nairobi iyo Garawe ayaa la filayaa in ay ka tagaan qaar kamid ah wafuuda maanta ku wajahan magaalada Kismaayo, walina lama oga tirada xubnaha tagaya Kismaayo iyo waliba xilalka ay hayaan.

Waxaa shalay magaalada Kismaayo gaaray Madaxweynayaashii hore ee maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo Xildhibaano kuwaa oo diyaarad ka raacay magaalada Nairobi si toos ahna uga dagay Kismaayo.

Dowlada federaalka ayaan wali ka hadlin diyaarada jabisay xayiraada si toos ahna uga degtay Kismaayo, waxa ay sidoo kale dowlada isha ku heysaa diyaaradaha kale ee maanta iyo maalmaha soo aadan tagaya Kismaayo iyaga oo jabinaya amarka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo eedeyn kulul u jeediyey shirkadda Google

Caydiid Ali

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan Xasaasi ah yeeshay Xili Khilaaf jiro (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Sheekh Shariif (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---