Ciidamada dowlada oo saaka toogsho ku dilay nin hubeysan oo miino ku aasay..

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in saaka degaanka Gololey ee duleedka degmada Balcad ay ku dileen ruux Miino ku aasayay halkaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ku daraya in Ninka la dilay oo ku hubeysnaa Bastoolad uu isku dayey inuu la dagaalamo ciidamada oo doonayey iney qabtaan, taasoo keentay in la dilo.

Dhacdadan ayaa timid xili ciidamada dowladu ay howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka wadeen wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo ay ku soo bateen weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Al-shabaab.

Dhowaan ayey aheyd markii qaraxyo wadada la geliyey lagu dilay masuuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Sh/dhexe oo la socday gaadiid wadadaas ku safrayey, waxaana ka sii horeeyey, masuuliyiin kale, saraakiil iyo ciidamo siyaabo kala duwan loogu laayey weeraro ka dhacay wadadaasi.

Dhacdooyinkan ayaa keenay in masuuliyiin isku amini waayey wadadaas ay dayuurado raacaan marka ay tagayaan magaalada Jowhar oo qiyaastii 90km oo kaliya woqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -