Kenya oo sheegtay inuu dalkeeda soo galay Ciise Tarabuun oo gacanta ugu jiray NISA

Booliska Kenya ayaa shaaciyey inuu dalkooda soo galay ninka lagu magacaabo Ciise Khaliif Cabdi (Ciise Tarabuun), oo ahaa madaxii amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir iyagoo soo bandhigay muuqaalkiisa, iyagoo dadka ka dalbaday qofkii aragta inay Booliska ugu wargliso si degdeg ah.

Booliska Kenya ayaa sheegay in Ciise Tarabuun ay rumeysan yihiin inuu dalka Kenya galay 24-kii Bishan September 2019, waxayna dadweynaha dalbadeen ciddii warkiisa heysa ama aragta inay si degdeg ah ula xiriiraan ciidamada Booliska, iyadoo arrintan ay noqoneyso mid la yaab leh sababtoo ah ninkan wuxuu gacanta ugu jiray dowladda Soomaaliya tan iyo sanadkii 2017.

Wasaaradda Amniga ayaa shaacisay 19-kii June 2017 inay gacanta ku dhigeen madixii Amniyaadka Al-shabaab ee G/Banaadir Ciise Trabuun oo lagu qabtay howlgal ka dhacay suuqa Bakaaraha, wuxuuna xilligaasi sheegay wasiirka Amniga in maxkamad lasoo taagi doono Lama oga halka uu ku dambeeyay Ciise Trabuun, markaas kadibna lama maqlin maxkamad lasoo taagey, waxaana warkan Booliska Kenya haddii uu xaqiiqo yahay shaki gelinayaa qaabka sirdoonka Soomaaliya u shaqeeyo.

Dowlada Somalia weli kama hadlin xaqiiqada warkan ku saabsan in Ciise tarabuun uu soo galay dalkeeda, iyadoo hadii ay dhab noqdo inuuay noqon doonto fadeexad kale oo soo wajahday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -