Madaxweyne Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud, iyadoo ay safarkiisa ku wehliyaan madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Galmudug Xaaf iyo xubno kale.

Farmaajo ayaa si heer sare ah waxaa ugu soo dhaweeyey garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb Masuuliyiinta dowlada iyo kuwa ahlu sunna ee halkaas ku sugan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiri doona wejiga koowaad ee shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socday magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -