(Sawirro) Guddoomiye Cumar Filish oo xalay kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Muqddisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay howlo kormeer ah ku sameeyay degmooyinka Shibis, Boondheere, Shangaani iyo Kaaraan.

Kormeerka ayaa ujeedkiisu ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho ugu kuurgalayay sida ay maamulada degmooyinka iyo saraakiisha amniga ee saldhigyada ay habeen ula falgalaan howlaha amniga caasimadda.

Waa kormeerkii ugu horeeyey ee duqa Muqdisho uu xili habeen ah ku maro degmooyinka caasimada qaarkood tan iyo iyo markii la magacaabay.

Kormeerkaan uu guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ku sameeyay degmooyinka waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -