Xildhibaan layaab ku tilmaamay Booliis sugi waayay amniga Muqdisho in la geeyo magaalo amaan ah

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo katirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya iyo qal qal amaan iyo mid siyaasadeed ka abuurtay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in dowlada ciidamo badan ku daadgureysay magaalada Dhuusomareeb uu sheegay in amaan ka jiray, waxa uuna xusay in talaabooyinka dowlada ka wado magaaladaasi u egyahay Afduub siyaasadeed.

Xildhibaan Maxamed Xasan ayaa sheegay in Wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaalia aysan dib u heshiisiin ka wadin magaalada Dhuusomareeb balse taasi badalkeeda magaalada ka wado isku dir sida uu tilmaamay.

Waxa uu layaab ku tilmaamay Xildhibaanka in ciidankii booliiska ee sugi waayay amaanka magaalada Muqdisho awoodna u yeelan waayay in ay tagaan qeybo kamid ah magaalada in loo daad gureeyo magaalada Dhuusomareeb oo amaan ka jiray.

“Ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, oo aan tagi karin Suuqa Xoolaha iyo 17ka degmo aan amnigooda sugi karin in maanta loo daabulo Dhuusamareeb oo ah meel nabad ah waa wax lala yaabo”ayuu yiri Xildhibaan Idiris.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili dowlada federaalka magaalada Dhuusomareeb geesay ciidamo badan oo loogu tala galay in amaanka magaaladaasi xoojiyaan inta ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo shirarka dib u heshiisiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -