Al-Shabaab oo War aan looga baran ka soo saartay Sarkaalkii ay soo bandhigtay NISA

Al-Shabaab ayaa beenisay hadal kasoo baxay manta heyadda nabad sugida Somalia ee NISA kaasoo lagu sheegay in la qabtay sarkaal ka tirsan xafiiska Warbaahinta Xarakada oo sawirkiisa la soo bandhigay.

Sarkaal sare oo ka tirsan warfaafinta Xarakada Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ninka sawirkiisa la soo dhigay baraha internetka ee lagu sheegayo inuu yahay sarkaal iyaga ka tirsan uusan ka tirsanayn xafiiskooda.

“Ninka ay sirdoonka ridadu sawirkiisa kusoo bandhigeen baraha internetka ee ay ku sheegayaan inuu yahay sarkaal ka tirsan warbaahinta Mujaahidiinta ma ahan waxa ay ku sheegayaan kama tirsana weligiisna kama mid noqonin xafiiska warfaafinta xarakada, wax xiriir ah oo kala dhexeeyana xafiiska warfaafintana haba yaraatee ma jiro” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al-shabaab.

Waxaa uu intaas ku daray in ninka la sheegay in uu xafiiskooda ka tirsanyahay uusan weligiis ka mid noqon hawlwadeenada xafiiskaas, wax aqoon ah oo ay u leeyihiina haba yaraatee aysan jirin.

Al-shabaab oo aan looga baran beeninta dhacdooyinka noocan ah ayaan la ogeyn ujeedada ay ka leeyihiin hadalkan ay soo saareen.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay maanta in sarkaalkan ay sheegeen inuu ka tirsan yahay Warbaahinta Al-Shabaab ay ka soo xireen degmada Howlwadaag, inkastoo ay shaaciyeen sawiradiisa haddana sooma bandhigin magaciisa iyo cadeymo muujinaya eedeynta ay u jeediyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -