Dowlad xabsi adag gelineysa ragga xaasaskooda ku fura 3 dalqadood

Xildhibaanada Baarlamanka Hindiya ayaa meel mariyay sharci cusub oo dambi ka dhigaya furiinka dumarka ee waafaqsan shareecada Islaaamka.

Sharcigan ayaa markii la hor geeyay Aqalka Sare waxaa u codeeyay 99 xildhibaan, halka ay diideen 84 kale

Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa sidoo kale sannadkii 2017-kii dalaaqda ku tilmaamtay mid ku xad gudbaysa dastuurka dalkaas, iyadoo dadka taageersan sharcigan cusub ay sheegeen inuu difaaci doono xuquuqda dumarka.

Dadka lagu helo inay ku xad gudbeen sharcigan cusub ayaa muteysan doona saddex sanno oo xarig ah

Xisbiga haya talada dalka Hindiya ee BJP ayaa taageeray sharcigan, halka xisbiga mucaaradka ugu weyn Hindiya Congress-ka ay ka hor yimaadeen.

Saddexda dalqadood ayaa ninka siinaysa awood uu ku furo xaaskiisa si dhaqso leh, isagoo afka ka dhahaya saddex kalmadood, ama xitaa qoraal ku gudbin kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -