Maxkamad go’aan ka gaartay Xubnihii xirnaa ee Guddiga Dhismaha Wadada Boosaaso

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Bari ayaa amartay in xabsiga laga sii daayo xubno ka mid ah Guddiga Dhismaha Wadadda bartamaha ee magaalada Boosaaso oo la xiray maalmo ka hor.

Sii deynta Xubnahan oo ka kooban afar xubnood ayaan wax faahfaahin ah laga bixin, iyadoo aan la sheegin ciddii ay xirnaayeen, waxaana culeys weyn xarigooda kala kulantay xukuumadda Puntland ee Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.

Xubnihii ugu horeeyay ee ka mida Guddiga ayaa la xiray Khamiistii hore, markii maamulka Puntland uu ka dalbaday inay dib u celiyaan lacag ay guddiga ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya oo qeyb ahaan ay isticmaaleen, waxaana kadib isna la xiray guddoomiyihii Guddigaasi Shiikh Maxamed Macallin Axmed oo safar ka soo laabtay.

Markii maanta la hor geeyay Maxkamadda Darajada kowaad ee gobolka Bari ayaa la sheegay in xorriyadooda dib loogu celiyay, iyadoo la sheegay in wax dembi ah lagu waayey.

Xarigooda ayaa xiisad weyn ku furay Maamulka Puntland, wuxuuna dibeda soo dhigay khibrad la’aanta siyaasadeed ee heysata Madaxweyne Deni oo horey u ahaa nin ganacsade ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -