Masjid si joogta ah daryeel sugan ugu fidiya Darbi-jiifta (Daawo Sawirada)

Masjidka la dhisay qarnigii 17aad oo dhaca bartamaha Istanbul ayaa darbi-jiifta u sameynaya adeegyada aa-aasiga ah sida suuli ay ku qubeystaan; cunnooyin bisil oo ay cunaan iyo maryo ay hugadaan.

Dadaalkaas waxaa horboodaya Imamka masjidka.

‘Kani waa masjidka qura oo si maalinle ah ay ugu qubeysan karaan gudihiisa 50 qof oo darbi-jiif ah,’ ayuu yiri Imam Osman Gokrem, oo 52 jir ah, kaas oo 17 sannadood ka shaqeynaya Masjidka.

‘Markii hore saddex iyo afar ay u imaan jireen maalin walba; hadda 50 qof ayaa joogto usoo aada,’ ayuu sii raaciyay. Waxaan waligay is weydiin jiray halka ay ku meyraan; kana helaan cunnada iyo dharka ay u baahan yihiin, maadaama cidna uusan muhiimad siineyn noloshooda.’

Imamku wuxuu Sabti walba siiyaa darbi-jiifta cunnooyin bisil. Wuxuu sidoo kale u sahlaa inay helaan dhar ay xirtaan oo uu kaga soo ururiyo jamaacada masjidka.

Wuxuu sidoo kale u xiiraa timaha si ay muuqaal ahaan usoo ifaan, waxa uu sidoo kale Imamka Masjidka ugu yeeray qof walba oo samafale ah inuu ciyaaro kaalintiisa caawineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -