Xarunta lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug oo la diyaariyay (Daawo Sawirro)

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu qabto shir dib u heshiisiin ah ay isugu imaanayaan beelaha dega gobolada Galgaduud iyo Mudug ee ku mideysan maamulka Galmudug.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa horey u ashaaciyay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo doorashooyinka maamulkaasi ay ka dhacayaan magaalada Dhuuso Mareeb.

Maamulka Dhuuso Mareeb ayaa durba diyaariyay xarunta loogu tala galay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana xaruntan booqday masuuliyiin katirsan dowlada federaalka iyo maamulka Galmudug.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa kormeeray xarunta Shiirkole ee loogu tala galay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay maamulka Dhuuso Mareeb iyo dadkii kale ee gacanta ka geestay diyaarinta xaruntan lagu qabanayo shirka ay isugu imaanayaan waxgaradka beelaha Galgaduud iyo Mudug.

Wali lama shaacin xiliga rasmiga ah uu furmayo shirka dib u heshiisiinta, waxaana wali jira beelo kasoo horjeeda in Shirka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug lagu qabto magaalada Dhuuso Mareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -