Madaxweyne Donald Trump oo doqon waalan ku tilmaamay Sir Kim Darroch

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday safiirka dowlada Britain u fadhiya dalka Mareykanka, xili uu sii xumaanayo xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Britain iyo Mareykanka.

Donald Trump ayaa doqon aan fekerin oo waliba waalan ku tilmaamay Safiirka dalka Britain u fadhiya Mareykanka  Sir Kim Darroch, waxa uuna xusay Trump in safiirka uusan waxbo ka galin dhaleeceynta loo jeediyo.

“Safiirka waalan ee Britain ee sanka laga galiyay Maraykanka ma ahan qof aan ku faraxsanahay, waa mid doqonimada ay ka tan badatay” ayuu ku yiri Madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in safiirka intii uu ku mashquuli lahaa arimaha Mareykanka looga baahnaa in uu ka hadlo arimaha dalkiisa gaar ahaan guul darada Ra’isul Wasaare May.

” “Waa in uu ka hadlaa arrimaha ka taagan dalkiisa iyo Ra’iisul wasaaraha UK, May guuldarrada ay kasoo hoyisay arrinta ka bixidda Midowga Yurub, wax dan ah kama gelin dhaleeceenta lii jeedinayo si kastaba ha u xumaadeen ” ayuu yiri Trump.

Carada Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ka dhalatay Emailo soo shaac baxay oo safiirka Britain u jooga Mareykanka wax uga sheegayay maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -