Ciidamada Xoogga dalka oo sheegay iney qabteen walxaha qarxa iyo dadkii watay

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen magaalada Marka ku soo qabtay Afar qof oo ay sheegeen iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Dadkan ayaa la sheegay in xilliga la qabanayey ay wadeen qarax ay ku soo qariyeen Jawaan ay ku jirtay Galey, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Labo dumar ah ayaa ku jira afarta qof ee ay ciidamadu gacanta ku dhigeen kuwaasoo mid ka mid ah ay uur leedahay.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Sh/hoose ayaa mudooyinkan aad u  xoojiyay dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay degaano badan la wareegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -