Imisaa Maalin walba laga xadi jiray canshuurta Qaadka ee garoonka Aadan cadde?

Masuuliyiin ka tirsan dowlada hoose ee Xamar iyo Wasaarada Maaliyada ayaa baaritaan ku sameeyey canshuuro xad dhaaf ah oo laga lunsan jiray qaadka ka soo dega garoonka Aadan cadde.

Madaxii canshuuraha Qaadka C/Maalik Yuusuf Maxamuud iyo 8 nin oo la shaqeyneysay ayaa maalmo ka hor xabsiga la dhigay ka dib markii hanti dhowrka guud ee Qaranka uu ku eedeeyey iney musuq-maasuq aan caadi aheyn ku kaceen.

Baaritaanka hor ayaa waxaa la sheegay in qasnada dowlada lagu shubi jiray Maalinkatsa canshuur gaaraysa 60 milyan oo Shso, balse markii saraakiishii canshuuraha xabsiga la dhigay ka dib ayaa waxaa la sheegay iney soo xerootay Maalinkiiba lacag ka badan 120 Milyan Shso sida ay sheegeen saraakiisha dowlada hoose.

“Arintan waa mid fajaciso leh waayo waxaa soo baxday in kala bar canshuurta ka soo xeroon jirtay qaadka la lunsan jiray maalin walba ” ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeenada baaritaanka sameeyey.

Masuuliyiintii kastamka canshuuraha qaadka ee garoonka Aadan cadde oo haatan ku xiran xarunta dembi baarista ee CID-da ayaa la filayaa in dhowaan la soo taago Maxkamad sida ay sheegeen masuuliyiinta Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo bixiyey amarka lagu soo xiray.

Dowlada Somalia ayaa qaati ka taagan lunsiga hantida dadweynaha oo noqotay dhibaato loo maaro la’yahay, iyadoo masuul walba oo lagu aamino meelaha dhaqaaluhu ka soo galo dowlada uu ku dambeeyo xabsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -