Puntland oo si adag uga hadashay Cunaqabateyn Somaliland saartay Gobolka ….

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wax lalayaabo oo khibraddaro maamul ah ku tilmaamay cunaqabatayn uu maamulka Somaliland sheegay inuu saaray gobolka Sanaag

“Arrin aan maqlay oo Muuse Biixi la yiri cunaqabatayn ayuu ku soo rogay Sanaag, waa arrin lalayaabo weeye, Cunaqabatayn mana saari karo, Alle ‘SWC’-na ma saarin. Waxaan farayaa Hay’ddaha uu beenta u sheegayey iyo dowladda Puntland-ba in si deg deg ah looga hortago arrintaasi been abuuur ka ah”. Ayuu yiri Axmed Karaash.

wuxuu ku eedeeyay maamulka Somaliland uu taageero kooxda Al-Alshabaab oo uu ku tilmaamay cadaw Soomaaliyeed.

”Shabaabka uu leeyay Dhahar ayay joogaan, Shabaab Puntland ma joogto mana taageerto, Shabaab iyo Puntland waa kuwa dagaalku ka dhexeeyo har iyo habeenba, waxaanu leenahay meesha lagu badbaadiyo waa Soomaaliland, xariiq ma gaarsiin reer Burco iyo reer Hargeysa iyo Jeegaanta Midna, halkanna dagaalka ka dhex socda waad la socotaan, markaa Shabaab anagu ma haynee halkaas ayay jiraan, Soomaliland ayaa laga soo taakuleeya.” Ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa isku haya maamulida gobolka Sanaag, waxaana deegaano katirsan gobolkaasi laga soo sheegayaa in ay ka jirto xiisad u dhaxeeysa labada maamul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -