Axmed Madoobe oo Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu horkacayey Mr. Fulgencio Garrido (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasada iyo Warbaahinta Midowga Yurub Fulgencio Garrido iyo Safiir ku xigeenka Netherlands ee Soomaaliya Tijmen Rooseboon oo ay weheliyaan xubno kasocday Hay’ada qoxootiga Aduunka ee UNHCR.

Kulankan ayaa qaybtiisa hore lagaga hadlay dardar galinta howlaha Siyaasada Soomaaliya iyo amaanka iyadoo sidoo kale diirada la saaray sidii Xasiloonida wadanka ee dhinaca Siyaasada loo adkayn lahaa iyo howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Argagixisada ah.

Waxaa kale oo Xubnaha kasocday UNHCR Safiirka Netherlands iyo Madaxweynahu si qoto dheer uga wada hadleen howlaha la xiriira Qaxootiga iyo dib u soo laabashada muwaadiniinta kasoo noqonaya Xeryaha qoxootiga Dhadhaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -