Ra’isul Wasaare Kheyre oo Shaaciyay Sababta Madaxweynaha u furi waayay Kalfadhiga Aqalka Sare

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi  Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka baaqaday munaaabada furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka oo la filayay in uu maanta furo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  oo khudbad ka jeediyay Munaasabada furitaanka Kalfadhiga Aqalka sare ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo isagu usoo wakiishay munaasabada furitaanka kalfadhiga Aqalka sare.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre in Madaxweyne Farmaajo munaasabada uga baaqday shaqo iyo shirar amni oo deg deg ah uusan faah faahin kasii bixin Ra’isul Wasaaraha.

Munaasabada furitaanka kalfadhiga Aqalka sare ayaa daqiiqado badan dib u dhac ku yimid kadib markii qaar kamid ah Senetarada kasoo horjeesteen in Ra’isul Wasaaraha furo lana hadlo .

Gudoonka Aqalka sare ayaa markii dambe aqbalay in Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya furo kalfadhiga 5-aad ee Aqalka sare, waxaana munaasabada khudbadii Madaxweynaha badalkiisa ka jeediyay Ra’isul Waaare Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -