Al Shabaab oo ka hadashay Sababta ay u weeraraan qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa ka hadlay sababta ay u weeraraan qaar kamid ah Hoteelada waa weyn ee kuyaala magaalada Muqdisho.

Cali Dheere ayaa sheegay in goobaha ay weeraraan aysan aheyn Hoteelo balse loo ekeesiiyay, waxa uuna tilmaamay in goobahaasi ay weeraraan laga soo abaabulo dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Cali Dheere Hoteelada ay weeraraan ay yihiin xerooyin ciidan iyo xafiisyo ay ku shaqeestaan madaxda dowlada, waxa uuna xusay in Shabaab aysan weerarin Hoteelada Muqdisho oo dhan balse weeraraan kuwa gaar ah.

“Meelaha Hoteelada lagu magacaabo Hoteelo ma ahan, ee waa lagu magacaabay Hoteel kaliya, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo nimaankaan ay degen yihiin, waxaad ogaataan xamar Hoteelo waa ku yaalaan, Mujaahidiinta waxay weeraraan Hoteelo qaas ah” Ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in hoteelada saxda ah ee kuyaala Muqdisho yihiin kuwa aan laheyn xeendaabka difaaca , waxa uuna xusay in Hoteelada la weeraro yihiin kuwa difaacada adag loo sameeyay.

“Hoteelada saxda ah ee shacabka ah degen yihiin Ciid kuma wareegsana, ciidan kuma wareegsana, oo Juhdi Badan laguma bixiyo, laakiin meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan caagagta Amisom ay adeegsadaan oo caro laga buuxiyay, haddii ay marka meesha Hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena.”ayuu yiri Cali Dheere.

Hadalka Afhayeenka Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kusoo bateen qaraxyada iyo weerarada kale ay geesanayaan kooxda Al Shabaab ee kasoo horjeeda jiritaanka dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -