Wasiirka Sabriye oo gaaray Dhuuso Mareeb iyo Xaaf oo soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug gaaray Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hogaaminayay.

Wasiirka waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuuso Mareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir.

Waxaa la filayaa in magaalada Dhuuso Mareeb wadahadalo ku yeeshaan wafdiga dowlada federaalka iyo maamulka Galmudug, waxaana inta badana wadahadalka noqon doonaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka maamulka Galmudug.

Dowlada federaalka  ayaa kasoo horjeeda mudo kororsiga madaxda Maamulka Galmudug, waxa ayna dowlada dooneysaa sida masuuliyiin katirsan sheegeegeen in sanadkan bartamihiisa la qabto doorashada Baarlamanaka iyo hogaanka maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -