Wasiirka Amniga Soomaaliya oo loogu baaqay in uu is casilo iyo Sababta keentay

Waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay sii xumaanayay amaanka guud ee magaalada Muqdisho, waxaana magaalada qeybo kamid ah ka dhacay dilal qorheean oo loo geesanayay shacab iyo dad dowlada u shaqeysa.

Habeen hore Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weerar toos ah oo galaaftay nolosha dad badan , waxaana ciidamada amaanka ku guul dareesteen in weerarka ka hortagaan sidoo kale si deg deg ah usoo afjaraan.

Waxaa sidoo kale maanta xili dharaar cad ah weerar madaafiic ah lagu weeraray xarunta dalka looga taliyo ee Villa Soomaaliya, waxaana raga Madaafiicda ku weerara Madaxtooyada la sheegay in a ka dhax rideen qeynbo kamid ah Muqdisho.

 

Saraakiil ciidan , Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Amniga ku dhaliilay wax ka qabashada amaanka Muqdisho oo u muuqda mid sii xumaanaysa.

Dadkan oo siyaabo kala duwan Warbaahinta iyo baraga bulshada uga hadlay ayaa ugu baaqa Wasiirka Amniga Soomaalia Maxamed ABuukar Islow in xilka iska casilo maadaama uu ku fashilmay wax ka qabashada amaanka Caasimada .

Korneel Shariif Roobow oo ah khabiir dhanka ammaanka ah sheegay in mas’uuliyadda qaraxyadii iyo dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho ay qaadaneyso wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sargaalkan ayaa ugu baaqay wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow in uu xilkaasi iska casilo, islamarkaana warqaddiisa ruqsada u geeyo ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Amniga ayaa labadii sano uu xilka hayay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weeraradii iyo qaraxyadii ugu dhimashada badnaa, waaana weeraradaasi ku dhintay boqolaal qof oo shacab u badmaa.

Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in aysan la imaan qorshayaal muhiim ah oo lagu sugayo amaanka caasimada, Waxaana wasiirka amniga gudaha la sheegay in uu ku mashquulay shaqooyin isaga u gaar ah iyo safaro dibadad ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -