Ruushka oo lagu eedeeyay in Muhaajiriin Soomaali ku jiraan u tahriibinayo Galbeedka Yurub

Ra’isul-wasaaraha dalka Poland, Donald Tusk, waxa uu ku eedeeyey Dowladda Raashiya Isku-daygoooda ku aadan Qulqulka Kumanaan Muhaajiriinta ka soo gudbayo Xuduudka dalkiisa, si ay ugu sii gudbaan Galbeedka Europe.

Isagoo la hadlayey Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP waxa uu xusay inay xoojin doonaan Xuduudaha Bari ee dalkiisa, si looga hortago Muhaajiriinta ka soo gudbayo.

Waxa uu ku eedeeyey Dowladda Raashiya inay Muhaajiriinta u fududeeyaan Fiisooyinka, kana dambeeyaan Kumanaanka Muhaajiriinta ee loo soo Tahriibiyo dalalka Europe.

“In ka badan 90% kuwa sida Sharci-daradauga soo gudba Xuduudka Poland waa dad haysta Fiisooyinka Raashiya (The Russian Visas)” ayuu yiri RW Donald Tusk.

Waxa uu taxay in Muhaajiriin ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Yemen, Eritrea iyo Ethiopia yihiin kuwa ay Dowladda Raashiya Isku-dayeyso inay ka soo qortaan mid ka mid ah dalalka Carbeed, si Muhaajiriintaasi loogu daabulo xadka Poland, waa sida uu Hadalka u dhigay.

Docda kale, Dowladda Poland waxay Sabtidii la soo dhaafay shaacisay inay in ka badan 2.3 Billion oo EURO ku Kharaj gareyn doonaan Xoojinta Xuduudkooda Bari ee ay la wadaagaan dalalka Raashiya iyo Belarus ee Gacan-dhuleedka Kaliningrad.

Tan iyo sanadkii 2021-kii, Kumanaan Muhaajiriin iyo Qaxooti badankooda ka yimid dalalka Bariga Dhexe ayaa ka gudbay ama Isku dayey inay ka gudbaan Xuduudka Belarus 🇧🇾 iyo Poland 🇵🇱

Si kastaba, Dowladda Poland iyo kuwa Reer Galbeedka waxay ku eedeeyaan Belarus oo Isbahaysi la ah Raashiya ay si wadajir ah Qulqulka Muhaajiriinta u adeegsanayaan Deganaansho La’aanta Mandiqada iyo Midowga Europe.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

Xigasho: fakti.bg

- Advertisement -