Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Dowladda

Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Siidoow Cali Ibraahim (Anas) oo sheegay in mar soo noqday guddoomiyaha deegaanka Jowle ee gobolka Mudug ayaa xiriir lasoo sameeyay iskuna soo dhiibay ciidanka huwanta ah ee jooga degmada Xarardheere.

Ninkan oo hadda kamid ahaa saraakiisha hoggaamineysay ciidanka Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Baraag Cali-gaduud ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu kasoo baxo Al Shabaab, kaddib dhibaatooyin uu sheegay uu la kulmay .

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Xarardheere ayaana soo dhaweeyay sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab, waxa ayna ugu baaqeen ragga kale ee Al Shabaab katirsan ee duurka ku jira in ay isa soo dhiibaan.

Xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa siyaabo kala duwan isugu soo dhiibay ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaddib dhibaatooyin ay la kulmeen xubnahaasi oo ay u adkeesan waayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -