Madaxweyne Xaaf: “Haddii Galmudug gubato Xamar nabad ahaan meyso”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khudbad ka jeediyay shirkii Garowe uga furmay dowlad goboleedyada dalka qaarkood ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu yahay mid dhisan, aysana jirin Galmudug kala qeybsan balse dowladda Federaalka Soomaaliya ay culeys siyaasadeed ku heyso kaasoo ay ku dooneyso iney ku wiiqdo maamulkiisa.

“Waxaan u sheegayaa dowladda federaalka haddii Galmuudg gubato xamar nabad ma ahaan meyso” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf oo ku taliyey in shirweyne loo qabto dowladna loo dhiso Galmudug

Dowlada federaalka ayuu ku eedeeyey iney ku fashilantay arrimo badan oo uu ka mid yahay amniga taas bedelkeedna ay ku mashquulsan tahay burburinta iyo kala qoqobida dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Galmudug ayaa hadda u qeybsan labo garab oo mid walba uu leeyahay Madaxweyne iyo gudoomiye Baarlaman, iyadoo Xaaf uu dhowaan ku gacan seyray isku day dowlada federaalku ku dooneysay iney ku xaliso khilaafka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -