Belgium oo ka carootay fal ku kaceen ciidanka Isra’iil ee ku sugan Gaza (Sawirro)

Xafiisyada Gaza ee hay’adda horumarinta Belgium ee Enabel, ayaa lagu burburiyay wax ay mas’uuliyiinta Belgium ku tilmaameen duqeyn ay geysteen ciidamada Israel

Wasiirka arrimaha dibadda Belgium Hadja Lahbib ayaa la wadaagay warbaahinta sawirada dhismaha xafiiska oo dhulka lala simay.

“In la beegsado dhismayaasha rayidka waa wax aan la aqbali karin,” ayey tiri Lahbib, iyadoo intaa ku dartay in iyada iyo wasiirka horumarinta Belgium Caroline Gennez ay u yeeri doonaan safiirka Israel si ay u caddeeyaan wax walba.

Hadafka koowaad ee wakaaladu waa “in la hirgeliyo mudnaanta siyaasadda iskaashiga dawladda Belgian iyo in kor loo qaado horumar caalami ah oo waara,” sida laga soo xigtay bogga Enabel.

- Advertisement -