Yaa Xanaaqsan Madaxweyne Farmaajo iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda?

Madaxweyne Farmaajo ayaa si aan gambasho la heyn u weeraray Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowlada iyo madaxda Maamul Gobolleedyada iyo dadka siyaasadiisa diidan.

Madaxweynaha  ayaa isticmaalay erayga Siyaasiyiinta xanaaqsan oo ah ereybixin ku cusub masraxa siyaasada Somalia.

“Siyaasiyiinta xanaaqsan waxay ka hadlaan Beesha Caalamka Hanoo timaado hana dhex dhexaadiso, waxay ka hadlaan calaacal, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay ma soo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar ma lahan, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahan waa hadal calaacal ah ”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiga xanaaqsan waa kan dadka qalbi jabka iyo niyad jabka ku riday, wuxuu sababay inay is dhibaan, qofka bani’aadamkana markaa rajadii ka qaado waa dishay, dhimashaa dhaanta, siyaasiga xanaaqsanow shacabka ha naga qalbi jebinina  Siyaasiga xanaaqsanow dadka rajada ha ka qaadina” ayuu yiri sidoo kale madaxweyne Farmaajo.

Haddaba waxaa falanqeyntan Farta ku fiiqayaa  Madaxweyne Farmaajo Taariikhda haddii uu is ilawsiiyey shacabku wax walba oo uu ku hadlay way xusuusan yihiin.

Shalay wuxuu ahaa mucaarad xanaaqsan .oo hadal adag si toos ah wax uga sheegi jiray waxa khaldan ee uu arko.

Waa in bulshada soomaaliyeed is waydiiso Madaxweyne Farmaajo laba shir oo uu amray in la yimaado bishan Septembar Guriga Villa somalia kuwaasoo kala ahaa Mid dhex mari lahaa madaxda maamul goboleedyada, iyo madaxweyne Farmaajo.

Shirka kale wuxuu ahaa mid lagu  dhexdhaadinayo maamul Goboleedka Galmudug, labada shirba way baaqdeen sow lama oran karo madaxweyne Farmaajo waa isaga siyaasiga xanaaqsan maadaama casuumadii uu fidiyey la diiday?

Xaalada siyaasadeed ee dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo waxay cagta saartay iney meesha kaa baxdo Rajadii laga lahaa Hiigsiga Dowlada Federaalka Soomaaliya inay diyaariso Siyaasad dib u heshiin iyo siyaasad dalka amniga looga dhigayo. Mid doorashooyin lagu diyaariyo 2020, intuba Shaki ayaa lagaliyey haddii madaxdii dawlada faderaalka iyo madaxda Maamul Goboleedyadu wada shaqeyn looga baahnaa ay ku badaleen inay is eedeeyaan.

W/Q: Danjire Mahamed Caalim 
caalim68@ hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -